Maxaa ka dhaxeeya Jahliga iyo kalsoonida ?
Maqaal
Dhammaadkii sagaashamaadkii laba cilmi-baadhe oo la kala yiraahdo David Dunning iyo Justin Kruger waxay ogaadeen dhacdo maskaxeed xiiso leh.
Waxay arkeen in dadka aqoonta ama xirfadda yar u leh arrin gaar ah ay inta badan si xad-dhaaf isugu kalsoonyihiina ama ay rumaystaan inay aad ugu wanaagsan yihiin, halka dadka khibradda iyo aqoonta badan lehi ay u janjeeraan inay hoos u qiimeeyaan awooddooda.
Labada cilmi-baadhe waxay sharraxeen in sababu tahay in qofka aqoontiisu yar tahay uusan garan karin heerka agoon-darrdiisa. Markasta oo aqoontu yaraato, kalsoonida aan salka lahayni ay sii badataa, waayo qofku ma oga xadka fahamkiisa. Dhanka kale, markasta oo aqoonta iyo waayo-aragnimadu kordhaan, qofku wuxuu si qoto dheer u fahmaa sida ay arrimuhu u adag yihiin. Taasina waxay mararka qaarkood ku keentaa inuu ka fiirsado awooddiisa ama uu is-hoosaysiyo marka uu isqimaynayo.
Nolosha dhabta ahna tan waxaa laga arki karaa tusaalooyin badan. Tusaale ahaan, qof daawaday dhowr muuqaal oo caafimaad ah
oo internetka yaal ayaa laga yaabaa inuu aamino inuu si sax ah u ogaan karo cudurrada, isla markaana dadka talo caafimaad ugu bixiyo kalsooni buuda.
Halka dhakhtar takhasus leh uu si taxaddar leh uga firsado ka hor inta uusan cudur sheegin, maadaama uu og yahay in calaamado isku mid ahi ay qarin karaan cudurro kala duwan, isla markaana khaladku mar walba suurtagal yahay.



Shukran walal point muhiima baad noo iftiimisay.
๐ค๐ค๐ค